Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa guul wayn ka sheegatay dagaal ay saaka ciidamadeeda la galeen kuwa dowladda federaalka ee dhowaan la geeyay aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.
Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada dowladda, balse ay ka hortageen daraawiishtooda, sida ay hadalka u dhigtay.
Sidoo kale Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in jab xoogan ay gaarsiisay ciidamada federaalka, balse ma caddeyn inta uu la’eg yahay khasaaraha rasmiga ah.
Waxaa kale oo Jubbaland ay sheegashadeeda kusii dartay inay ciidamadeeda ay la wareegeen difaacyada hore ee Raaskambooni, kadib dagaalkii saaka ka dhacay halkaasi.
“Ilaa hada Ciidamada Jubaland ayaa la wareegay difaacyada hore ee deegaanka Raaskambooni ay kaga jireen maleeshiyada kusoo duushay Jubaland iyadoo khasaare Kala duwan la gaarsiiyay” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhinacyadu ay helayaan gurmadyo dheeraad ah oo kusii qul-qulaya furinta hore, waxayna taasj sii xoojin kartaa dagaalka qarxay.