Warbaahinta Dalka Germalka gaar ahaan Talafashinka iyo Website-ka DW ayaa baahiyay Warbixin ku aadan Labo kamid ah Somalida ku nool Dalkaasi kuwaasi oo lagu soo eedeeyay Eedeymo Dambi iyo Hurin Colaadeed.
Kabtan Ayuub,” sida ay u yaqaanaan taageerayaashiisa baraha bulshada – waxa uu si fudud ku gaari karaa boqollaal kun oo qof qoraalladiisa TikTok iyo Facebook . Farrimihiisu waxa ay inta badan xambaarsan yihiin nacayb uu u qabo qabaa’ilka Soomaaliya isku haya iyo hurin colaadeed oo iyaga ka dhan ah.
Waxana uu xirfadiisa warbaahinta bulshada ka dhistay dalka Jarmalka, halkaas oo uu yimid sanadkii 2017-kii oo uu ku sugnaa ilaa toddobo sano, isaga oo ka shaqaynayay dhiiragalinta in uu dhiig ku daato dalkiisa.
Waxaa jira qof oo kale oo saameyn ku leh dagaalka Soomaalida kaas oo weli sii hurinaya nacaybka ka imaanaya gudaha Jarmalka. Yacquub Siyaad ayaa taageera rabshadaha in ka badan nus malyuun taageere Facebook iyo ilaa 230,000 TikTok.
Sida Ayuub, Yacqwub waxa uu u safray Soomaaliya tan iyo markii uu u soo guuray Jarmalka. Xagaagii 2023, dhawr bilood oo ay colaaddu Laascaanood socotay, waxa uu la wadaagay sawir isaga oo xidhan direys ay la socdaan dagaalyahanno hubaysan. Sawir kale ayaa muujinaya isagoo sita qori AK-47 ah.