Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay, maanta ilaa caawa qaabilay xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka isagoo u qaabilay beel beel.
Madaxweynaha ayaa saddex qodob ka hadlay. Xildhibaannada beesha uu isagu matalo wuxuu xalay kala hadlay dagaalka argagixisada in lagala shaqeeyo, sidoo kalana ay dajiyan buuqa Baarlamaanka, isagoo ku yiri Baarlamaan aaddan adigu hormuud u aheyn ma kici karo ee kaalintiina qaata, sidoo kalana xildhibaannada beellaha kale ee tabashada qaba xalkooda igala shaqeeya.
Xildhibaannada beellaha kale wuxuu madaxweynuhu kala hadlayay kacsanaanta Baarlamaanka, sida ay muhiim u tahay xasiloonida Golaha iyo inuu albaabkiisu furanyahay, isagoo laga dheehan karay sida uu u qirsanyahay culeeska Baarlamaanka ee xilligan waa sida ay sheegeen xildhibaannadii tagay kulamadan.
Xildhibaannada kulamadan tagay waxay qaar sheegeen inuu madaxweynuhu ku cel celinayay muhiimada ay leedahay inuu Baarlamaanku si degan ku furmo berri, kadib markii ay maalmahan soo bateen wararka sheegaya iney xildhibaannada qaar qorsheynayan iney berri fowdo kiciyan markii uu madaxweynuhu isku dayo inuu hadlo.
Kulamadan uu madaxweynuhu la qaatay xildhibaannada labada Aqal ayaa la aaminsanyahay iney keeni karto inuu Baarlamaanku berri si degan ku furmo, laakiin tilaabadan wax badan kama badali doonto mooshinka xukuumada oo la qorsheynayo in Baarlamaanka la geeyo Ramadaanka kadib.