Kabtanka diyaarad helicopter ah oo u dhashay dalka Ukraine, kana mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala Soomaaliya, ayaa kasoo muuqday muuqaal ay sii daysay kooxda Al-Shabaab, isagoo ka codsaday Madaxweynaha Ukraine iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay inay si degdeg ah u bilaabaan wada-xaajood lagu doonayo sii-deyntiisa.
Duuliyaha, oo lagu magacaabo Oleynik Aleksandr, ayaa sheegay inuu yahay kabtanka diyaarad helicopter ah oo Qaramada Midoobay heshiis kula jirtay, taasoo lagu qasbay inay si degdeg ah u degto bishii Janaayo 2024, kaddib markii ay la kulantay xaalad degdeg ah, kuna degtay dhul ay maamusho kooxda Al-Shabaab.
Muuqaalkan, oo ay baahiyeen garabka warbaahinta Al-Shabaab ee Kataib, ayaa muujinaya Aleksandr oo si toos ah ula hadlaya kaamirada, kana codsanaya gargaar degdeg ah.
Aleksandr wuxuu sheegay inuusan ahayn nin xor ah, balse uu yahay maxbuus dagaal oo ay haystaan Al-Shabaab. Wuxuu intaas ku daray in isaga iyo shaqaalihii la socday ay fulinayeen duulimaadyo caafimaad oo daad-gureyn ah, si ay u taageeraan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku jiray howlgalka ballaaran ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasoo socday bartamihii 2022 illaa horraantii 2024.
“Bishii Janaayo 2024, anagoo ku sugnayn gobollada dhexe ee Soomaaliya, ayaa xaalad degdeg ah na soo wajahday, taasoo nagu qasabtay inaan ku degno dhul ay maamusho Al-Shabaab,” ayuu yiri Aleksandr.
Fiidiyowga, wuxuu si gaar ah codsi ugu diray Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, isagoo ka dalbaday inuu adeegsado cadaadis diblomaasiyadeed iyo mid siyaasadeed si loo helo sii-deyntiisa. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Ukraine inay kiiskiisa kor u qaadaan, si aan loo illoobin.
“Fadlan u adeegso saameyntaada si loo bilaabo wada-xaajood lagu doonayo sii-deyntayada,” ayuu yiri.
Aleksandr ayaa sidoo kale baaq u diray Qaramada Midoobay, isagoo carrabka ku adkeeyay in xilliga la qabtay uu ku guda jiray waajibaad rasmi ah oo hoos imanaya hay’addaas.
“Waxaan la hadlayaa Qaramada Midoobay, maaddaama aan howsheenna ku gudanayay calankeeda iyo magaceeda. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, annaga ayaa halkan noogu soo dirtay. Maanta se, waxaan u baahan nahay ilaalin iyo gargaar degdeg ah,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in Qaramada Midoobay ay mas’uuliyad ka saaran tahay badbaadinta qandaraasleyaasheeda lagu afduubto howlgalada nabadeynta.
Farriin qiiro leh oo uu u diray Xoghayaha Guud, ayuu ku yiri: “Waxaan kaa baryayaa inaadan indhaha ka qarsan dhibaatada na haysata.”
Ilaa hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Ukraine midkoodna si rasmi ah ugama hadlin muuqaalka la sii daayay ama suuragalnimada wada-xaajood la xiriira maxaabiistan.
Kooxda Al-Shabaab, oo in ka badan toban 15 sano dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya, ayaa horay dhowr jeer u adeegsatay muuqaallo ay ku soo bandhigayaan dad ay haystaan, si ay cadaadis ugu saaraan dowlado iyo hay’ado caalami ah.








