Home Wararka Maanta Kooxda Shabaab oo lagala Wareegay 10 Tuulo oo ku taalla Gobolka Gedo

Kooxda Shabaab oo lagala Wareegay 10 Tuulo oo ku taalla Gobolka Gedo

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa howlgalo saacado badan qaatay ka fuliyay inta u dhaxeysa magaaloyinka Luuq iyo Dooloow ee gobolka Gedo.

Howlgaladaan ayaa u jeedkooda lagu sheegay si feynta wadada dheer ee xiriira labada degmo oo inteeda badan ku sugnayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgalada kula wareegay in ka badan 10 tuulo oo ku yaala inta u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Dooloow, islamarkaana burburiyay saldhigyo kooxdu ku laheyd tuulooyinkaas oo gaadiidka isticmaala wadadaas ay kaga qaadi jireen lacago baad ah.

“Waxaan kasoo baxnay degmada Luuq si aan u sifeyno Khawariijta wadadaan ku dhibaateynayay gaadiidka shacabka ee ka qaadanay lacagaha baada, dilkana ugi darayay way naga carareen walina waan ku daba jirna oo waxaa naga go’an inaan Khawarijta ka xureyo dhulkeena 10 tuulo ka badan ayaa ka qabsanay, wana burburinayay saldhigyadii ay ku lahayeen wadada isku xirta Doolow iyo luuq” ayuu yiri Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta Jubbaland Cali Xasan cabdi.

Ugu dambeyntii deegaano iyo degmooyin ka tirsan maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka socda howlgalo looga sifeynayo kooxda Al-shabaab wadooyinka muhiimka ah ee ku kala yaala Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo ah haatan labada maamul ee wali ku awood badan yihiin Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here