Home Wararka Maanta Labo Nin oo Xukun Toogasho ah lagu Fuliyay Magaalada Kismaayo

Labo Nin oo Xukun Toogasho ah lagu Fuliyay Magaalada Kismaayo

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay labo nin oo lagu helay in horey dilal ugu geesteen labo qof oo kale oo shacab ahaa.

Fagaare kuyaalla magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu toogtay Yaasiin Cusmaan Colow oo horay u dilay Marxuum Muxiyadiin Cabdi Xassan iyo Dable Maxamed Cabdullaahi Siciid oo isna horay u dilay Marxuum Maxamed Deeq Nuune Saalax.

Ehelada marxuumiinta horey u dileen raggan maanta la toogtay ayaa soo dhaweeyay xukunka qisaasta ah ee lagu filay gacankudhiiglayaasha, waxa ayna sheegeen in maanta heleen caddaaladii ay muddo raadinayeen.

Maamulka Jubbaland ayaa marar badan xukunno dilal ah ku fuliyay rag lagu helay in ay dilal u geesteen dad shacab ah iyo askar kale, waxa ay sidoo kale xukunno dil ah ku fuliyeen xubno iyana katirsanaa kooxda Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here