Wasiirka Wasaaradda Awqaafka iyo Arrimaha Islaamka Mukhtaar Roobow Cali oo ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa shaaciyay in Luuqadda Soomaaliga sanadkaan ka mid noqon doonto Luqadaha lagu turjumayo khudbadaha muhiimka ah ee Xajka.
Wasiirka Mukhtaar Roobow ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu kula qaatay magaalada Makka madaxda shirkadaha Soomaalida ah ee Xujayda geysay dalka Sacuudiga Carabriya.
“Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha ay jeedin doonaan maalmaha Xajka masuuliyiinta Sacuudiga waxaa lagu daray luuqada Soomaaliga ah, si ay Xujeyda Soomaaliyeed u fahmaan khudbadaha, taasina waa talaabo muhiim ah oo horay loo qaaday” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya Mukhtaar Roobow.
Talaabadaan loo qaaday in Luqadda Soomaaliyeed ay ka mid noqoto Luqadaha lagu turjimayo khubadaha loo jeedin doono Xujayda sanadkan ayaa ah mid wax badan ku soo kordhin doonto fahamka Xujeyda Soomaalida.
Mukhtaar Roobow Cali ayaa sidoo kale faray madaxda shirkadaha Soomaaliyeed iney si wanaagsan ugu shaqeynayaan Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka.
Ugu dambeyntii Malaayiin Muslimiin ah oo ka kala yimid dalal kala duwan ayaa ku sugan dhulka Barakeysan, kuwaasi oo u diyaarsan gudashada waajibaadka Acmaasha Xajka.