Ciidanka ammaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa xabsiga u taxaabay labo kamid ah suxufiyiintii madaxa.
Ciidanka ammaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa xabsiga u taxaabay labo kamid ah suxufiyiintii madaxa banaanaa ee ka hawlgeli jirey caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.
Habeenimadii xalay ayey ciidanka booliska Dhuusamareeb xabsiga u taxaabeen Wariye Cabdullahi Cabdi Xirsi (Qorshe) oo ahaa wakiil-wareedkii Telefishinka Somali Cable ee Galgaduud, iyadoo aan la shaacin sababta xarigiisa.
Dhanka kalena, waxaa isla magaalada Dhuusamareeb saaka lagu xiray Wariye Cabdullahi Cabdulqadiir Nor (Waddani) oo isna ka mid ahaa Wariyaasha ka howlagala Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug.
Qaar kamid ah suxufiyiinta deegaamada Galmudug oo cambaareeyey tallaabadaan ayaa xaqiijiyey in xariga labada weriye uu xiriir la lee yahay warbixino ay ka diyaariyeen dilal ka dhacay Dhuusamareeb & eedo ay jeediyeen xildhibaano katirsan golaha wakiilada Galmudug.








