Home Wararka Somaliya Jubbaland Maamulka Jubbland oo Dowlada Somaliya ku eedeeyay Dagaal looga dilay Ciidan badan

Maamulka Jubbland oo Dowlada Somaliya ku eedeeyay Dagaal looga dilay Ciidan badan

0

Jubaland ayaa ku eedeysay dowladda Federalka inay weerar kusoo qaaday guddoomiyaha Degmada Badhaadhe, Xasan Nuur Cabdi (Gaaljeceloow), oo ku sii jeeday deegaanka Kulbiyoow ee hoostaga Degmada Badhaadhe.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay, in ciidan uu watay taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee deegaanka Kulbiyoow uu ka dambeeyo weerarkan.

Jubbaland waxay sheegtay in dowladda Federaalku ay dhaqaale ay ku bixisay weerarkaan.

Dagaalka ka dhacay goobtaas ayaa sababay dhimashada shan askari oo kamid ahaa ilaalada Guddoomiyaha, halka dhaawac u soo gaaray askar kale oo ka tirsan ciidanka ilaalada Guddoomiyaha.

“Dowladda Jubaland waxay si cad u xaqiijinaysa in ay ka go’an tahay ilaalinta amniga deegaannada Jubaland. Waxayna ku hawlantahay sidii sharciga loo marsiin lahaa dhamaan xubnaha ku lugta lahaa falkaas foosha xun ee lagu qaaday wafdiga Guddoomiyaha Degmada Badhaadhe,” ayaa lagu yiri warkan.

Jubbaland waxa ay sheegtay dowladda Federaalka in ay mar kale duullaan qaawan ku soo qaaday deegaannada Dowladda Jubaland, iyadoo sheegtay in looga golleeyahay burburinta Jubaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here