Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee la geeyay qaybo kamid ah gobolka Sanaag, waxayna sheegtay in cawaaqibka arrintaasi ka dhasha uu dusha saaran doono Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa yidhi: “Ninka Moqokori ay Al Shabaab ka qabsanayso ee aan xasillin karin ammaanka Muqdisho, ayaa Sanaag ciidan u diraya – waa wax laga xishoodo. Waxaanu leenahay: cawaaqibka ka dhasha cid kula qaadan mayso ee adaa yeelan doona.”
“Waxaanu ku waaninaynaa oo aanu ugu baaqaynaa in uu faraha kala baxo waxa aan loo diran loona dooran ee uu faraha kula jiro. Somaliland xuduudeeda iyadaa iska leh,” ayuu Wasiir Ayaanle hadalkiisa sii raaciyay.
Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay gadood sameeyeen shalay sababo la xidhiidha mushaar la’aan, taas beddelkeedana dhaqaalihii beesha caalamku siisay dowladda Soomaaliya loo isticmaalayo in lagu weeraro deegaano nabad ah. Waxa uu beesha caalamka ugu baaqay in ay fiiro gaar ah u yeeshaan lacagaha ay siiyaan dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale, waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka shaqaynayso sugidda amniga gobolka Sanaag wax kasta oo ay ku kacayso, isla markaana ay dhigtay gogol nabadeed oo lagu walaalaynayo dadka gobolka wada dega.
“Nabadii iyo is-ixtiraamkii dadka deegaanka wada degaa ay ku wada noolaayeen waa naga diyaar. Meel uu kasoo galo Xasan Sheekh ugama banaana, ayaanu leenahay,” ayuu yidhi Wasiir Ayaanle.
Waxa kale oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in uu doonayo in uu hor istaago aqoonsi uu sheegay in Somaliland helayso, isaga oo xusay in aqoonsigu uu dhaafay xilligii lagu joojin karayay awood ama colaad. “Cid aqoonsiga baajin karta maanta ma jirto, waxaan leeyahay colaad hor leh ha ina dhex dhigin,” ayuu yidhi.
Dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadkan ciidamo soo dhoobtay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, halkaasi oo la sheegay in la doonayay in lagu qabto shir ay dowladda Soomaaliya dabada ka riixaysay, oo looga dan lahaa in lagu mideeyo gobollada Sool iyo Sanaag, si ay ugu midoobaan hal maamul oo ay wada leeyihiin.
Maamulka SSC Khaatumo oo kaashanaya dowladda federaalka ayaa dabada ka riixaya in deegaanada gobolada Sanaag iyo Sool loo dhiso maamul cusub.