Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare Soomaaliya, Senator Cabdullaahi Timacadde, ayaa sheegay madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaarihiisa inay kasoo qeyb gali doonaan caleemo saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare ayaa ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay kaalin weyn ka qaadatay sidii goboladda Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle looga saari lahaa daruufaha adag ee ay ku sugnaayeen, isagoo sheegay madaxweynaaha iyo raysal wasaaruhu inay guteen masuuuliyad iyo waajibaad qaran oo ka saarnaa ilaalinta midnimada dalka.
Senator Timacadde ayaa sheegay in xubnaha labada aqal ee laga soo doorto Sool, Sanaag iyo Cayn ay u midoobi doonaan inay u qareemaan sidii uu cagihiisa ugu istaagi lahaa maamulka cusub ee Waqooyi Bari. Wuxuuna sheegay in meesha laga saari doono tafaraaruqii horey uga dhex jira siyaasiyiinta labada gobol ku matala Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Senator Timacadde waxa uu ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Puntland, wuxuuna kamid ahaa siyaasiyiinta aadka ugu dhawaa madaxweyne Deni. Hase ahaatee, wuxuu kamid noqday siyaasiyiinta la dareenka noqday mowqifka ay qaateen reer Sool oo ah inay sameystaan maamul cusub.