Home Wararka Maanta Madaxda Galmudug iyo koonfur Galbeed oo Kulan Xasaasi ah uu ugu socdo...

Madaxda Galmudug iyo koonfur Galbeed oo Kulan Xasaasi ah uu ugu socdo Magaalada Baydhabo

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud ku soo dhoweyey Wafdiga Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Degmada Baydhabo, Odeyaal iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa sido kale qeyb ka ahaa soo Dhoweynta Wafdiga uu Hogaaminayey Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye.

Lama sheegin ujeedada rasmiga ah ee Qoorqoor u tagay Baydhabo hase ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Shiikh  uu ergo ahaan ugu diray magaalada Baydhabo, si ula kulmo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ugana baajiyo isku day la xariira qabashada doorasho dad-ban, oo KG agaasimayso.

Laftagareen iyo Axmed Madoobe ayaa ku jira isdabaalin siyaasadeed oo ah in waqtiga shirka madasha lajiido, ilaa bilowga bisha September, si markaas loo gaaro xiliga kala baxa doorasho dadbana loogu qasbanaado halka madaxweyne Xassan Shiikh uu doonayo in doorasho dadweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here