Home Wararka Maanta Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka oo Mudo kordhin loo Sameenayo

Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka oo Mudo kordhin loo Sameenayo

0

Waxaa shalay Muqdisho ka furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, waxaana shirka diirada lagu saarayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, dhameystirka hannaanka dimuqraadiyeynta, iyo fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirka oo marar badan dib u dhacay ayaa sidoo kale looga arrinsan doonaa sida mar kale laga yeelayo madaxda dowlad goboleedyada oo muddo xiloodkoodii uu dhammaaday, sidoo kale mar kale soo dhammaaday hal sanno oo muddo kordhin ahaa oo loo sameeyay.

Sida aan xogta ku heleyno Villa Soomaaliya ayaa mar kale damacsan in ay muddo kordhin mar kale u sameyso madaxda dowlad goboleedyada, si ay hal mar u wada dhammaadaan muddo xileedka dowladda iyo tan dowlad goboleedyada.

Qorshaha Villa Soomaaliya wadato ayaa la sheegay in ay qeyb ka tahay in doorasho qof iyo cod ah guud ahaan dalka ka qabto, ayna dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhisto guddi doorasho oo iyada hoostaga si doorasho guud u qabtaan.

Madaxda maamul goboleedyada qaar ayaa dhankooda doonaya in hadda qabsadaan doorashooyinka , si ay doorashada dambe ee Madaxweynaha iyo tan labada Aqal loo gaaro iyaga oo heesta sharciyad buuxda oo rasmi ah , si ay saameyn ugu yeeshaan doorashada.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ah mid xasaasi ah ayaa la filayaa in ay kasoo baxaan qodobo dan ugu jirta madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleeyada, waxaana siyaasiyiinta mucaaradka ka digayaan in muddo kordhin damaaciyaan dhinacyada shiraya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here