Home Wararka Maanta Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Xaalada Boorama iyo Hadalkii Trump ee Somalida

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Xaalada Boorama iyo Hadalkii Trump ee Somalida

0

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka soo cusboonaaday gobolka Awdal ee maamulka Somaliland iyo weerarada uu Madaxweyne Trump ku hayo Soomaalida dalka Maraykanka.

Ugu horrayn madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey dhibaatooyinkii ka dhacay Boorama ayaa ugu yeeray xukuumadda Somaliland iyo shacabkaba in lays xakameeeyo ayna arrintaasi ahayd shaqaaqo aan munaasib ahayn.

“Waxa aan ka tacsiyadaynayaa shaqaaqadii ka dhacday Boorama oo dad ku dhinteen, runtii ma ahayn shaqaaqo munaasib ahayd, waxa aan ku baaqaya in dhacdo walba xal loo raadiyo ee aan xabad lagu xallin”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland,

Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay weerarada joogtada ah ee Madaxweyne Donald Trump muddooyinkaan ku bilaabay Soomaalida dalka Maraykanka.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay horumarada ay bulshada Soomaaliyeed ka samaynayso dalalka caalamka, waxaa jira dad Soomaaliyeed oo uu dhaleecayn ujeediyey Trump, waxaan oran lahaa in la hadal hayo bulshada Soomaaliyeed ee USA ayaa caddayn u ah sharafkooda iyo kartidooda”, Ayuu yiri markale Madaxweyne Deni.