Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horraysay ku dhawaaqay inuu ka shaqaynayo sidii meesha.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horraysay ku dhawaaqay inuu ka shaqaynayo sidii meesha looga saari lahaa dhammaan ciidan beeleedyada ku sugan Puntland loona dhisi lahaa ciidan dowladeed oo awood leh aanna ka amar qaadan madaxweyne ama shaqsi kale oo bulshada danihiisa uga dhex adeegsada.
Madaxweyne Deni oo ka hadlay dedaalada dhismaha ciidanka Puntland ayaa digniin u diray shaqsiyaad uu sheegay inay wadaan hab qabiil iyo kicin bulsho, isagoo xusay in xukuumaddiisu doonayso dhismaha ciidan dowladeed oo dhammaan dadka u dhexeeya aysanna lahayn beel gaar ah.
“Waxaan rabaa inaan nidaamka dowliga ah ku kala baxno oo aan hoos u dhigno kicinta dadweynaha, qabyaaladda iyo si xun wax u raadiska, waxaan rajaynayaa inaynu yeelano ciidan u dhexeeya qabaa’ilka, xisbiyada, ciidan dowladeed ayaan rabnaa inaan dhisno ciidan reereed ma ahan, ciidan kooxeedna ma ahan”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in marka uu xilka ka dego uu doonayo inaysan Puntland kajirin ciidan beeleed, kuwa isaga daacad u ah ama ciidamo aan ku shaqayn hannaanka dowladeed ee Puntland.
“Ma maqli doontaan markaan xilka ka tago ciidan la yiraahdo madaxweynahay weli daacad u yihiin oo halkaa jooga maalinna kama shaqayn diyaarna uma ahi, waxaan rabnaa inaan ka tago ciidan Puntland ah oo awood leh waxaan rabnaa inaan u gudubni wax naga wada dhexeeya”, Ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi.








