Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasam Shiikh oo ka hadlay go’ankiisa Xil Korosiga

Madaxweyne Xasam Shiikh oo ka hadlay go’ankiisa Xil Korosiga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay mas’uuliyiin kala duwan ee Dowladda iyo kuwa maamul gobolleedyada in ay u istaagaan ka shaqeynta horumarka dalka

Waxaa uu carabka ku adkeeyay in uusan diyaar u ahayn muddo kororsi ayna doorashada waqtigeeda ay ku qaban doonaan.

“Horay ayaan dalkan Madaxweyne uga soo noqday kursigana iskuma dhajin haatana diyaar uma ihi muddo kororsi, xaqna uma lihi in aan iska joogo.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay inaan yareyno shakiga iyo cabsida ka muujineyno xaalada dalka, isla markaana qof kasta uu ka shaqeeyo sidii loo adkeyn lahaa nabadda iyo horumarka la gaaray.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay Khudbaddii Jimcaha ee shalay oo sidoo kale uu kaga hadlay dardargalinta dagaalka Al-shabaab looga ciribtirayo degaannada kooban ee ay kaga harsan yihiin dalka, kororka dhaqaalaha iyo hirgelinta qorshaha Dimoqraadiyeynta iyo hanaanka doorashooyinka dalka.

Golaha Wasiirada Somalia ayaa dhowaan ansixiyey xeer doorasho dadweyne, waxayna arrintaas ka dhigan tahay mid kororsi lagu doonayo maadaama sanad iyo barka u haray dowlada Xassan Shiikh aysan suuragal aheyn in lagu qaban-qaabiyo doorasho qof iyo cod ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here