Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta la kulmay Safiirka dowladda Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta la kulmay Safiirka dowladda Talyaaniga

0

Madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya Pier Mario Daccò Coppi.

Madaxweynaha iyo Danjiraha dalka Talyaaniga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada, taageerada amniga, iyo barnaamijyada dib u dhiska ee ka socda dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyay dowladda Talyaaniga doorka muhiimka ah oo ay ka qaaday taageerada Soomaaliya, isagoona ka dalbaday Talyaaniga iney sii wadaan mashaariicda lagu horumarinayo dalka iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka dowladda Talyaaniga Pier Mario Daccò ayaa dhankiisa xaqiijiyey in dowlada Talyaaniga ay ka go’an tahay sii wadista taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Danjire Pier Mario Daccò ayaa bogaadiyey dadaalka dowladda Federaalka ee ku aadan dhinacyada horumarinta dalka iyo dib u dhiska hay’adaha dowladeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here