Home Wararka Maanta Magaalada Gaalkacyo Xukun Toogasho ah oo lagu Fuliyay 10 Kamid ah Kooxda...

Magaalada Gaalkacyo Xukun Toogasho ah oo lagu Fuliyay 10 Kamid ah Kooxda Shabaab

0

Fagaare kuyaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland waxaa saakay xukun dil ah lagula fuliyay toban nin  oo katirsanaa kooxda Al Shabaab, kuwaa oo horrey xukun dil ah ugu riday maxkamadda ciidamada ee Puntland.

Raggan xukunka dilka ah saakay lagu fuliyay ayaa horey loogu helay in dilal madaxjabis ah iyo qaraxyo uga geesteen waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxa ayna raggan qaarkoods qirteen in dambiyada lagu soo eedeeyay ay galeen.

Saraakiil katirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntlnad oo ka hadlay fagaaraha xukunka dilka ah lagu fulinayay ayaa sheegay in raggan saakay la toogtay ay horey u dileen dad badan oo wax gal u ahaa bulshada ku dhaqan gobolka Mudug, gaar ahaan dhinaca maamulka Puntland.

Xukunkan dilka ah ayaa imaanaya xilli dhawaan xabsi kuyaalla waqooyioga magaalada Gaalkacyo ka baxsadeen xubno katirsanaa Al Shabaab oo xukun dil ah horey loogu riday, ragga baxsaday qaarkood ayaa lasoo qabtay, halka wali baxsad ku jiraan saddex nin oo maxaabiista kamid ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here