Maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kaga dhawaaqay in guud ahaanba la mamnoocay ka hadalka arrimaha Siyaasadda haddii aysan fasixin madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi.
Qoraal uu bartiisa Facebook ku daabacay wasiirka arrimaha gudaha Waqooyi Bari Axmed Cali Yakhle ayaa mas’uuliyiinta xukuumadda ka joojiyey ka hadlidda xaaaladaha-siyaasadeed, iyada oo aan la sheegin karin ‘wax aan’ Madaxweynaha & Ku-xigeenku ogayn.

Warka ka soo baxay wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli dalku marayo Marxalado kala guur ah ayna sii kordhayaan siyaasiyiinta xilalka haya iyo kuwa banaan joogta ah ee ka hadlaya arrimaha taagan.








