Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka, Maria Mindehammar, ayaa sheegtay in go’aanka masaafurinta ilmaha yar ee sideed bilood jirka ah uusan ahayn xaalad gaar ah, iyadoo tilmaantay in mustaqbalka ay dhici karaan go’aanno la mid ah haddii aanu jirin qodob sharci ah oo lagu saleeyo si carruurtan loogu siiyo deganaansho ku saleysan xiriirka ay la leeyihiin waalidiintooda ku nool Iswiidhan.
Mindehammar ayaa wargeyska DN u sheegtay: “Sida xaaladdu maanta u muuqato, ma jiro qodob sharci ah oo lagu caddeyn karo xiriirkooda.”
Hadalka agaasimaha guud ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha ku saabsan siyaasadda socdaalka, kaddib markii ay soo baxeen kiisas dhalinyaro gaaray 18 sano oo la siiyay go’aanno masaafurin ah inkastoo qoysaskoodu ay ku nool yihiin Iswiidhan. Sidoo kale waxaa jira kiiska Iimaanuu’eel oo ku dhashay Iswiidhan, kaas oo lagu xukumay masaafurin loo dirayo Iiraan, inkastoo waalidiintiisu ay haystaan sharci deganaansho.
Mindehammar ayaa adkeysay: “Waxaan runtii rabaa inaan si cad u sheego in Hay’adda Socdaalku aysan fulin go’aanno masaafurin oo carruur keligood la masaafurinayo. Tani aad bay muhiim iigu tahay. Waligeen ma sameyn doonno arrintaas.”
Waxay ku macnaysay in go’aanka la gaaray uu salka ku hayo waajibaadka ah in go’aan laga gaaro marka la helo codsi deganaansho, iyadoo xustay in bixinta deganaansho ay u baahan tahay taageero sharciyeed. Waxay intaas ku dartay in ku sii nagaanista dalka iyadoo aan jirin sal sharci ah ay la macno tahay joogitaan sharci darro ah, taas oo keeni karta in boolisku soo farageliyo isla markaana la saaro xayiraad dib ugu soo noqosho.








