Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay 11 eedaysane oo dhamaantood ah askar ah ka tirsan ciidanka, kuwaas oo lagu soo qabtay iyagoo si sharci darro ah hub uga dhex sita bartamaha magaalada Muqdisho.
Talaabadan lagu soo qabtay askartan ayaa timid kadib hawlgalo amni xaqiijin ah oo ay ciidamadu ka fuliyeen qaybo ka mid ah degmadooyinka caasimadda si looga hortago hubka sharci darrada ah ee lagu dhex wato magaalada.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in askartan la qabtay ay baalmareen awaamiirta ay soo saareen hay’adaha amniga, kuwaas oo si cad u faray inaan lagu arki karin Caasimadda askari aan shaqo ku jirin oo si iskiis ah hub ula dhex socda.
Qoraalka kasoo baxay Booliska Soomaaliya  ayaa lagu tilmaamay in talaabadan ay qayb ka tahay dadaalada lagu adkeynayo amniga guud, laguna xakameynayo fal kasta oo halis gelin kara nabadgelyada shacabka ku nool Caasimadda.
“11-ka eedaysane ee lasoo qabtay ayaa haatan ku jira gacanta Booliiska, waxaana lagu wadaa in loo gudbiyo maxkamadda ay khusayso si sharciga loo waafajiyo, loogana qaado tallaabooyinka ku habboon” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir.
Ugu dambeyntii howlgalkan lagu soo qabtay 11-ka askari ayaa kusoo aadeysa, iyadoo ciidanka Booliska Soomaaliya ay horay u soo saareen amaro amni oo lagu mamnuucayo in askarta aan shaqada ku jirin wax hub ah ku dhex qaadan karin magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, islamarkaana sidoo kale ciidanka amnigu ay ku howlan yihiin xaqiijinta amniga doorashada golayaasha deegaanka oo la filayo ine Muqdisho ka dhacdo 25-ka bishaan oo ku beegan maalinta Khamiista ah.








