Home Wararka Maanta Muqdisho:- Xilliga uu bilaabanayo Tartanka Kubadda Cagta Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo...

Muqdisho:- Xilliga uu bilaabanayo Tartanka Kubadda Cagta Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo la Shaaciyay

0

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta (SFF), Cali Cabdi Maxamed Shiinno, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Tartanka Kubadda Cagta Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir uu dib u bilaaban doono bilowga sanadka 2026, kaddib labo sano oo hakad ku yimid.

Shiinno ayaa xaqiijiyay in isku-aadka tartanka la qaban doono 22-ka December 2025, halka kulammada rasmiga ah ay bilaaban doonaan 24-ka January 2026 sida xiriirka uu qorsheenayo.

Madaxweynaha SFF ayaa sheegay in tartanka oo dhan ay si toos ah u maamuli doonto Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, iyadoona Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka ay yeelan doonto taageero farsamo.

Tani waxay muujinaysaa isku-duwid heer qaran ah oo lagu doonayo in tartanka laga dhigo mid nidaamsan oo xirfad leh.

Cali Shiinno ayaa xusay in sanadkan ay markii ugu horreysay ka qaybgali doonto Maamulka Waqooyi Bari, taas oo kor u qaadaysa tirada maamullada tartamaya.

Tartankii ugu dambeeyay ee heer dowlad-goboleed waxa la qabtay January 2024, waxaana ku guuleystay Galmudug, oo ka adkaatay dhiggeeda Banaadir kadib ciyaaro aad u xiiso badan oo ay labada dhinac soo bandhigeen.

Tartankaas waxaa aad loo xusay ciyaaryahannadii dhalinyarada ahaa ee ka soo muuqday, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ku biiray kooxo heer sare ah oo gudaha dalka ka ciyaara.

Tartankaasi waxaa muuqatay in Maamulka Puntland uu doorbiday inuusan ka qaybgelin tartanka, taasoo la sheegay inay sabab u tahay khilaafaad siyaasadeed oo kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.