Home Wararka Maanta Nin in ka badan 25 sano la weysanaa oo la...

Nin in ka badan 25 sano la weysanaa oo la helay isagoo ku afduuban guri dariskiisa ah

0
OROPESA DEL MAR, SPAIN - MAY 19: A padlock is seen the closed door of a public garden in Marina d'Or resort on May 19, 2014 in Oropesa del Mar, Spain. The real estate developer Marina d'Or declared last week debts of 681 million Euros, 546 million Euros of which are owed to banks. Owner of Marina d'Or Jesus, had planned to build the biggest holiday resort in Europe with 35,000 houses, 3 golf courses and even a miniature of the Eiffel Tower. Marina d'Or was set up three decades ago by the Barcelona-born Jes

Nin u dhashay dalka Algeria oo la waysanaa muddo ka badan 25 sano ayaa la helay isagoo afduub loogu haysto guri dariskiisa ah oo ku yaala waqooyiga gobolka Djelfa, sida laga soo xigtay maamulayaasha deegaanka oo ay soo werisay warbaahin maxali ah.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in ninkan la waayay intii u dhaxeysay sanadihii 1996 iyo 1998, intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee Algeria.

Waxa la soo weriyay in laga helay god dhulka hoostiisa ah oo qashin lagu daboolay, sida uu baahiyay wargeyska maalinlaha ah ee Al-Shuruuq.

Ninka muddada dheer afduubnaa ayaa sheegay in afduubaha uu meel xun galiyay, taas oo uga tagtay in uu awoodi waayo in uu gurmad dalbado, sida wakaaladda warrarka ee AFP ka soo xigatay warbaahin maxali ah.

Wakaaladdu waxay intaa ku dartay in walaalka ninka afduubka gaystay uu ku baahiyay barraha bulshada kaddib markii ay ku murmeen dhaxal.

Ninka la afduubtay oo hadda ku jira da’ dhexaadka afartanaadka ayaa la daweynayaa kaddib markii ay soo badbaadiyeen maamulka deegaanka.

Ninka afduubka u haystay oo da’diisu tahay 61 jir ayaa la xiray.

Previous articleTaakeeye oo Markale Xabsiga La Dhigay Kadib Maalmo uu Bananka Joogay
Next articleAlshabaab ku Suganaa Galgaduud oo Duqaymo Culus Lala Dhacay iyo Howlgal Xoogan oo socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here