Home Wararka Maanta Nin Muuqaalo Anshax Xumo ah ka Duubay Gabdho Somali ah oo Lagu...

Nin Muuqaalo Anshax Xumo ah ka Duubay Gabdho Somali ah oo Lagu Xiray Jigjiga

0

Booliiska magaalada Jigjiga ayaa gacanta ku dhigay nin lagu eedeeyay inuu muuqaallo anshax xumo ka duubay, una geystay handadaad  gabdho Soomaaliyeed oo kala nool meelo badan.

Eedaysanaha, oo magaciisa lagu sheegay Ayuub, lana sheegay inuu asal ahaan ka soo jeedo magaalada Muqdisho balse marar kala duwan ku noolaa dalalka Yurub sida Talyaaniga iyo Austria, ayaa lagu qabtay Jigjiga kaddib markii lasoo dacweeyay.

Saraakiisha booliska Dowladd Deegaanka Soomaalida oo ka jawaabayay cabashooyinka haweenka ayaa sameeyay hawlgallo gaar ah oo ay ku soo xireen ninkan. Intii lagu guda jiray baaritaanka, waxaa taleefankiisa laga helay muuqaallo badan oo uu si qarsoodi ah uga duubay hablo Soomaaliyeed oo uu kula kulmay magaalooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin Muqdisho, Hargeysa, Garowe, Wajaale, Addis Ababa iyo Jigjiga.

Booliska ayaa sheegey in Ayuub uu marka hore ku billaabi jiray inuu gabdhaha kala xidhiidho baraha bulshada, si tartiib ahna u kasbado kalsoonidooda. Wuxuu la samayn jiray xiriir shukaansi u eg, isagoo adeegsanayay fariimo iyo wicitaanno muuqaal ah (video call), isagoo duubi jiray muuqaalada gabdhaha oo mararka qaarkood dhar la’aan ah.

Markuu helo muuqaalada koowaad, ayuu ku cadaadin jiray inay u diraan kuwo kale oo ka sii xasaasisan, kuwa diidana wuxuu ugu hanjabi jiray inuu si fagaare ah u faafinayo kuwii uu hore uga duubay. Booliiska ayaa sheegay in qaar ka mid ah gabdhaha uu ku khiyaameeyay kalsooni been ah, halka qaar kalena uu ka faa’iidaystay duruufo nololeed oo ay ku jireen.

Booliska magaalada Jigjiga ayaa bulshada ku wacyigeliyay inay ka taxadaraan dadka ku dhuumaaleysanaya baraha bulshada oo u adeegsada si khaldan. Waxay dadka deegaanka Soomaaliyeed uga digay dhaqamada xun ee ku soo badanaya internet-ka, kuna boorriyeen in qof walba si taxaddar leh ula macaamilo dadka aan la aqoon ee soo baxa baraha bulshada.