Ciidamada ammaanka ee Jubbaland, gaar ahaan kuwa Nabad-Sugida maamulkaasi ayaa gacanta kusoo dhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo dhawaan weerar ka gaystay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Ninkan oo loo soo bandhigay warbaahinta ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in bam-gamceed ku tuuray isbitaalka wayn ee magaalada Kismaayo.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Cali Shidaad Ayuub ayaa laga qaaday wareysi uu baahiyay Telefishinka Jubbaland, wuxuuna ku sheegay inuu Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 7 sano ah, isaga oo ka qayb qaatay howlgallo iyo dagaallo ka dhacay Jubbaland.
Cali Shidaad ayaa sanadkii 2018kii mar isku dhiibay maamulka Jubaland waxaana lagu xareeyay xeryaha dhaqan celinta dagaalamayasha kasoo goosta Al shabaab.
Sidoo kale mar kale ayuu iku laabaatay kooxda, waxaana mar labaa lasoo qabtay 2019-kii, isaga oo loo soo xiray dhacdo noocani oo kale ah oo bam-gacmeed ah wuxuuna xirnaa sanad iyo bilooyin, iyada oo kadib la siidaayay.
Eedeysanaha ayaa ku dooday in la qasbay oo isaga oo ka shaqeysanayo goomiiste ay lasoo xiriirtay kooxda, kadibna ay ugu hanjabtay dil, hadii uu fulin waayo weerarka.
Si kastaba, weerarka uu ku qaaday isbitaaka Kismaayo ayaa kusoo aaday, xilliga lagu dabiibayay askar ka tirsan kuwii kusoo dhaawacmay dagaalkii ka dhacay Raaskambooni ee u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland.