Home Wararka Maanta Ninkii Swdan ku Gubay Kitaabka Quraanka Oo Meydkiisa lahelay

Ninkii Swdan ku Gubay Kitaabka Quraanka Oo Meydkiisa lahelay

0

Salwan Momika oo ah nin kasoo jeeda asal ahaan dalka Ciraaq ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla dalka Norway.

Ninkan ayaa markii uu dhawaan isaga tagay dalkii uu dhalashada ka waayay ee Sweden ee uu ku gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ayaa u guuray Norway.

Sheekadaan oo ahayd mar qarsoonayd waxaa bannaanka soo dhigay qaar kamid ah warbaahinta iyo suxufiyiin si wayn looga yaqaan dalalka Carabta, iyaga oo sheegay in ay xogtaan kasoo xigtay saraakiil katirsan ciidamada booliska Norway.

Fal-celin badan ayaa ka dhalatay maadaama Salwan uu horay u sheegay inuu dareemay cabsi xad-dhaaf ah kadib markii uu ku dhaqaaqay tallaabadii uu ku gubay Kitaabka Qur’aanka, “taasi oo ku noqotay musiibo wayn oo usoo hoyatay.”

Salwan ayaa dhawaan si qarsoodi ah isaga tagay Sweden maadaama uu cadaadis xooggan uu ka dareemay dalkaasi, isaggoo ka go’ayna madalaha bulshada sabab la xiriirta in uu aad uga cabsi qabay in la dilo ama dhibaato kale loo gaysto.

Ma jiro illaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay dowladaha Norway iyo Sweden oo ay uga hadlayaan arrinkaan. Ciraaq ayaa horay u dalbatay in loo soo gacan-geliyo ninkaan ku xad-gudbay Kalaamka Alle kaddib kolkii uu gubay.
Previous articleSheeko layaab leh:Laba Maalin kadib Markii ay Qaadatay Diinta Islaamka ayay ku Geeriyootay Magaalo aan Qof ehel ah U joogin
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Xasan shiikh oo Saraakiishii Difaacday Xarardheere kuli Wada Dalacsiiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here