Home Wararka Maanta Norway oo Sharuud ku Xirtay Lacagta lagu Caawiyo Hooyada Dhashay

Norway oo Sharuud ku Xirtay Lacagta lagu Caawiyo Hooyada Dhashay

0

Dowlada Norway ayaa sharuud ku xirtay lacagta la helo xiliga dhalmada ee la siiyo hooyada markaasi dhasha lacagtaasi oo gaareysa 92,000 kun oo karoon.

Hay’ada Shaqada iyo Daryeelka Noray ee NAV ayaa sheegtay in Hooyo Walbo oo dalbata Lacagtaasi looga baahanyahay inay wadanka joogtay sanadkii ugu danbeeyay.

Hooyo Walbo oo Norway ku sugneyd 12 bilood ee ugu danbeeyay waxay xaq u leedahay inay dalbato lacagta cawinta hooyada dhasha ee loo yaqaano (Engangsstønad)

Sharcigan ayaa horay u ahaa in Hooyada ay wadanka ku nooshahay xiliga ay lacagta dalbaneyso oo kaliya. Sharcigan ayaa bilaabanaya 1 October.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here