Home Wararka Maanta Qaramada Midoobay oo Tageero Iyo Garab Istaag u Muujisay Puntland

Qaramada Midoobay oo Tageero Iyo Garab Istaag u Muujisay Puntland

0

Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo maanta tagtay Garoowe ayaa war qoraal ah oo goor dhaw lagu baahiyey Mareegta UNSOM, lagu sheegay in mustaqbalka dalku uu khatar weyn kujiro.

Ergayga ayaa sheegtay in mustaqbalka Soomaaliya uu khatar ku jiro, iyadoo ay fursadaha jiraa horumar sameyn karin, haddii aysan qeyb aheyn PL ama laga qeybgalin dhammaan isku dayada siyaasadda dalka.

“Mustaqbalka Soomaaliya ayaa miiska saaran. Dalka, oo wax badan qabsan karo ayaan horey u sii socon karin haddii aysan Puntland si buuxda oo loo dhan yahay uga qaybgelin.” Ayaa lagu yiri Qoraalka UN-ka.

Mr, Laing ayaa uga mahadcelisay MW Puntland Siciid Deni, sida uu maamulkiisa diyaar ugu yahay in wada hadal looga gudbo xaaladda taagan iyo Isku imaatin guud oo siyaasadeed.

Ergayga ayaa sheegtay in ay taageerada UN iyo saaxiibada caalamiga ah ay Puntland lashaqeyn doonaan si dhaw, waxaana ay soo dhaweeyeen Beesha Caalamka, gaar ahaana Hay’addaha QM qorshaha horumarinta PL.

Previous articleAkhriso:Lixda qodob ee ugu waaweyn wax ka beddelka dastuurka ee shalay la ansixiyay
Next articleBeesha Caalamka oo War lama Filaan ah Kasoo Saartay Wax ka Badalkii Dastuurka lagu Sameeyeyb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here