Home Wararka Caalamka Rabshadaha Ka Socda UK oo Sababay in Dowlada dib u Habeyn ku...

Rabshadaha Ka Socda UK oo Sababay in Dowlada dib u Habeyn ku Sameyso Magangalyo-doonka

0
Photo/tony Karuma/AFP

Dowladda Britain ayaa qorsheyneysa in isbedel weyn ay ku sameyso nidaamka habraaca codsiyada magangalyada, sida ay sheegtay BBC-da .

Hadafku waa in la dhimo tirada muhaajiriinta degan hoteelada inta ay sugayaan go’aan.

Waxaa la dhisi doonaa hay’ad cusub oo madax banaan. Qorshaha waxa uu yeelan doonaa maareeyayaal kiisaska u gaar ah si uu si dhakhso leh uga baaraandego kiisaska.

Maalmihii la soo dhaafay, waxaa guud ahaan dalka Ingiriiska ka socday mudaaharaadyo looga soo horjeedo nidaamka magangalyo ee Britain.