Home Wararka Maanta Raisal Wasaare Xamse Barre oo Siyaasiyiinta Mucaaradka ku Qaaday Weerar Afka Ah

Raisal Wasaare Xamse Barre oo Siyaasiyiinta Mucaaradka ku Qaaday Weerar Afka Ah

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa weerar afka ah ku qaaday qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda, gaar ahaan kuwii dhawaan ka falceliyay khudbad uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay masjidka Madaxtooyada.

Xamse Barre ayaa difaacay  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, waxa uuna sheegay in wax badan u galay dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoona tilmaamay in 30-kii sanno ee lasoo dhaafay wax ka qabtay waxbarashada iyo horumarka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ra’isul Wasaare Xamse ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed uusan qaldi karin waxna u sheegi karin siyaasi bar go’ ah , kuwaa uu kala jeeday siyaasiyiinta mucaaradka ee naqdiyay khudbadii Jimcihii jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Dhalinyarada Soomaaliyeed lama siri karo lama qaldi karo siyaasi bar go’ ah ma qaldi karo, been ma u sheegi karo. Maanta siyaasadda dadka ku jiraan ama muxaafad ha noqdaano ama mucaarad ha noqdee qof maanta dhashay ma’aha 30-kii sano ee ina soo dhaaftay dalkan maxaa laga qabtay? nin weliba wixii uu qabtay iyo wixii uu dhalinyarada Soomaaliyeed u galay ayaa rabnaa in lagu xisaabtamaa” ayuu yiri Xamse Barre.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Jimcihii lasoo dhaafay sheegay in dhallinyarada shiidka ka cabaneysa yihiin kuwa lacago ka heli jiray Al Shabaab iyo aflagaadada siyaasiyiinta, waxaana hadalkaasi si weyn u naqdiyay siyaasiyiin waa weyn oo mucaarad ku ah Madxaweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here