Home Wararka Maanta Ruushka oo Mareykanka uga digay inuusan ku jees-jeesin Khadka Cas ee Dalkiisa

Ruushka oo Mareykanka uga digay inuusan ku jees-jeesin Khadka Cas ee Dalkiisa

0

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov, oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay suurtagalnimada in gantaallada riddada dheer ee Maraykanka la geeyo Ukraine, ayaa uga digay Maraykanka Arbacadii in aanu ku kaftamin “khadadka cas” ee Ruushka.

Lavrov waxa uu sheegay in Maraykanku uu luminayo dareenka is-hortaagga labada dhinac ee salka ku haya isu dheellitirka ammaanka Moscow iyo Washington tan iyo dagaalkii qaboobaa, taasina ay tahay mid khatar ah.

Waxa uu ka faallooday warbixin ay soo saartay wakaaladda wararka ee Reuters oo sheegaysa in Maraykanku uu ku dhow yahay heshiis uu Ukraine ku siinayo gantaallada riddada dheer ee JASSM cruise-ka kuwaas oo gaadhi kara gudaha Ruushka – kaas oo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy uu u ololaynayey.

“Waxba la yaabi maayo – dadka Maraykanku waxay mar hore ka gudbeen marinkii ay iyagu dejiyeen. Waa lagu dul boodayaa, Zelenskiyna dabcan wuu arkayaa arrintan wuuna ka faa’iidaysanayaa,” Lavrov ayaa u sheegay waraystay TV Ruush ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here