Home Wararka Maanta Safiirada Sweden, Switzerland iyo EU oo gaaray Gobolka Gedo halkaasi oo lagu...

Safiirada Sweden, Switzerland iyo EU oo gaaray Gobolka Gedo halkaasi oo lagu soo dhaweeyay

0

Gudoomiyaha degmada Doolow Maxamed Xussein Cabdi  oo qaabilay Safiirada dalalka Switzerland, Sweden, Safiirka Midowga Yurub yo hay’addaha kala duwan ee gargaarka.

Gudoomiyaha ayaa wakiiladan heerka caalamiga ah la wadaagay xaaladda abaaraha iyo saameynta Isbadalka cimiladda oo ay la qaban qeybaha kala ee dalka iyo marxaladaha gaarka ah.

Kulankan ayaa sido kale looga hadlay sidii loo xoojin lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo sii ballaarinta mashaariicda ay ka waddan deegaanka.

Gudoomiyaha degmada ayaa xusay in abaaraha iyo fatahaada soo noq-noqday ay yihiin kuwo u baahan xal waara oo guud ahaan deegaanka lagaga samata bixinayo.

Kulanka waxaa Gudoomiyaha ku wehelinayay Maamulka, Saraakiisha Ciidamada, Ururka haweenka, Odayaasha dhaqanka iyo Masuuliyiin kale.

Safiirada booqday Doolow oo ka ambabxay Muqdisho ayaa iyana sheegay in socdaalkooda uu la xiriiro u kuurgelida iyo qiimeynta xaalada nololeed ee ka jirta degmada Doolow iyo Guud ahaan gobolka Gedo, iyagoo sheegay iney ku dedaali doonaan sidii shacabka gobolka uga caawin lahaayeen dhibatooyinka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here