Home Wararka Maanta Senator Dubbe:- nidaamka dal-ku-galka Soomaaliya Waxa uu dhibaato ku Hayaa dadka reer...

Senator Dubbe:- nidaamka dal-ku-galka Soomaaliya Waxa uu dhibaato ku Hayaa dadka reer Somaliland

0

Senator Cismaan Abukar Dubbe, oo ka tirsan Aqalka Sare, ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay wajahayaan dhibaatooyin dhinaca socdaalka ah, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay soo rogtay nidaamka dal-ku-galka danabaysan (E-Visa).

Dubbe waxa uu sheegay in xaaladda fiisaha ay weli taagan tahay, isaga oo go’aanka dowladda federaalka ku tilmaamay kii ugu liitay ee ay waligeed gaadho. Waxa uu xusay in ay ahayd in ay ka laabato kaddib markii ay aragtay in fiisuhu si gaar ah dhibaato ugu yahay shacabka Somaliland.

“Shacabka Somaliland ee safraya dhibaato badan ayaa haysata; ma cawdaan, ma qayliyaan. Hooyo 10 carruur ah haysata oo rabta in ay dalkeeda timaaddo, lagana qaadayo 1,500 oo fiise ah, ma aha wax laga aamusi karo,” ayuu yidhi Dubbe.

Waxa uu sheegay in nidaamka fiisuhu uu sii fogaynayo dadka reer Somaliland, isaga oo xusay in shacabka Somaliland ay gurmad u fidiyeen shacabka koonfurta marar badan oo ay dhibaatooyin dhaceen, taasina ay caddaynayso waxa laysku yahay; hase yeeshee, dowladda Soomaaliya ay xataa fogaynayso dadkii midnimada u soo dhawaa.

Inkasta oo xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday in ay dhammaatay caqabaddii fiisaha danabaysan kaddib markii la jabsaday shabakaddii fiisaha, haddana weli arrinta fiisuhu way taagan tahay, isla markaana dad badan oo reer Somaliland ah ayaa weli ku xaniban garoomada diyaaradaha.

Haddaba, xukuumadda Somaliland mar qudha ayay ka aamustay arrinta fiisaha ee taagan; mana ay sheegin in uu jiro heshiis dhexmaray madaxda Soomaaliya ama in ay hayso qorshe kale oo shacabka Somaliland kaga gudbi karaan caqabadda lagaga qaadayo labada lacagood.

Somaliland hore ayay u sheegtay in aanay marnaba aqbali doonin nidaamka fiisaha Soomaaliya, iyada oo fiise kale ku bixisa garoomadeeda, taas oo sababtay in dadka ka degaya Hargeysa laga qaado laba lacagood.