Home Wararka Maanta Shirka Kismaayo ee Mucaaradka oo galay Maalintii Seddaxaad

Shirka Kismaayo ee Mucaaradka oo galay Maalintii Seddaxaad

0

Waxaa maalintii sadaxaad galay Shirka magaalada Kismaayo uga socda Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dowladda Fedaraalka iyo madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo ku bahoobay magaca Golaha Mustaqbal Soomaaliyeed.

Shirkaan ayaa masuuliyiinta isugu tagtay waxay kaga doodayaan xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arinta doorashooyinka qof iyo codka ah oo ay dowladda Fedaraalka dooneyso iney hirgaliso.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa dowladda Fedaraalka ku cadaadinaya inay joojiso habka ay u maamuleyso doorashooyinka dalka, iyagoo ku doodaya inaanan heshiis lagu ahayn arrimaha doorashooyinka.

Shirweynaha golaha ayaa sidoo kale lagu wadaa in maanta lagu doorto gudoonka golahaas, waxaana wararka hordhaca sheegayaan in la filayo in guddoonka sare ee golaha loo dooran doono Madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam madoobe.

Wararku waxay sheegayaan in shirkan lasoo gebagabeen doono galinka dambe ee maanta ilaa caawa, islamarkaana laga soo saari doono go’aano la xariira masiirka dalka oo ay ugu horeyso is mari waaga ka taagan nooca doorasho ee laga qabanayo dalka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale marar kala duwan carabka ku adkeeyay ineysan ogolaan doonin dib udhac ku yimaada waqtiga doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxtooyada iyo waliba inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sameysto muddo kororsi.