Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku midoobeen inta badan xubnaha Mucaaradka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhoweyneyaan gogosha wadatashi ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay, kuna muddeeyay 15-ka Juun, 2025.
War murtiyeed ay kasoo saareen shir ay uga tashanayeen wixii laga yeeli lahaa baaqa madaxweynaha ayaa waxa ay soo jeediyeen si looga miradhaliyo gogoshan, xalna looga gaaro hubanti la’aanta siyaasadeed iyo xaaladaha murugsan ee xag amni, siyaasadeed iyo mid dhaqaale ee dalku ku jiro dhowr qodob oo kala ah:
1. In gogoshu noqotaa mid wada hadal oo xal waara looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee dalka oo ay ugu horreeyaan dib-u-eegista dastuurka iyo doorashooyinka labada heer ee Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, loogana wada hadlo sidii dalka looga ciribtiri lahaa kooxaha argagixisada ah.
2. In ay noqoto gogol loo dhan yahay oo ay ka soo qeybgalaan dhammaan madaxda dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
3. In la caddeeyo ajandaha iyo qodobada looga wada hadlayo gogosha.
Ugu dambayn, Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee Mucaaradka ayaa sheegay inay u taagan yihiin samata-bixinta dalka, dadka, iyo dowladnimada Soomaaliyeed, waxayna xuseen inay diyaar u yihiin wada hadal dhab ah oo horseeda midnimo Qaran, dalkana looga saaro hubanti la’aanta siyaasadeed.
Shalay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay shir wadatashi qaran oo loo dhan yahay, iyadoo shirkaasi lagu gorfeyn doono arrimo ay ka mid yihiin amniga iyo ciribtirka argagixisada, geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo qabsoomidda doorashooyin xor ah, dhameystirka dastuurka, iyo dib-u-heshiisiinta, sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada.