Home Wararka Maanta Sida haweenaydan 98-sano jirkaa cagaheeda ugu baxsatay colaadda dad kumanaan ah ay...

Sida haweenaydan 98-sano jirkaa cagaheeda ugu baxsatay colaadda dad kumanaan ah ay ku dhinteen.

0

Iyadoo colaaddu ku sii xoogaysanaysay bariga Donetska, asbuucii hore ka dib marki ciidamada Ruushku ay gudaha u galeen, dadka ayaa ka barakacaya deegaanadaas.

Haweenay lagu magacaabo Lidia Stepanivna Lomikovska, oo da’deedu tahay 98 sano jir ayaa masaafo 10km ah kaligeed lugaysay iyadoo ka baxsaysa colaadda.

Waxay ku tukubaysay bakoorad, waxayna xirnayd kabo dacas ah si ay ugu baxsato colaaadda magaalada Ocheretyne, ee bariga Donetsk, halkaas oo dagaaladu ku siqayeen.

“Waxaan ku toosay rasaasta hareerahayga ka dhacaysay taas oo cabsi lahayd,” Lomikovska ayaa ku tiri wareysi muuqaal ah oo ay soo bandhigeen booliska gobolka Donetsk.

Waxaa la arkayey iyada oo mid ka mida ciidamada Ukriane uu garab galayo, xilli ciidamada ay soo bandhigeen muuqaal haweenaydan da’da ah.

“Waan ka badbaaday dagaalkaas,” ayay tiri iyadoo tixraacaysa dagaalkii labaad ee aduunka. “

Previous articleMaxaa ku dhici kara bulshada ay Soomaalidu ka mid tahay ee haysata baasaboorka Itoobiya kadib xayiraadda Midowga Yurub?
Next articleWararkii ugu danbeeyey ee dibadbaxyada lagu taageerayo Falastiin ee ka dhacaya Maraykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here