Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay isdhaafsiga maxaabiista dagaal ee u xiran colaadda Laascaanood, tallaabadan ayaana ah mid hor leh tan iyo markii dagaalladu ka dhaceen gobolka Sool sanadkii 2023.
Waxaana la filayaa in magaalada Garowe lagu soo dhoweyn doono in ka badan 10 maxbuus oo laga sii daayay xabsiyada Somaliland, kuwaas oo muddo laba sano ka badan ku xirnaa colaadda u dhaxaysa Somaliland iyo SSC Khaatumo.
Dhanka kale, Puntland ayaa sii deysay 15 maxbuus oo kasoo jeeday Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalkii deegaanka Goojacadde. Maxaabiistan ayaa la filayaa in dib loogu celiyo deegaannadooda.
Tallaabadan is-dhaafsiga ah ayaa kusoo beegmaysa xilli dhowaan dowladda federaalka Soomaaliya ay maamulka SSC Khaatumo kala soo wareegtay 25 maxbuus oo Somaliland ah, taasoo muujineysa doorka sii kordhaya ee dowladda dhexe ee xallinta khilaafaadka gobollada.
Isdhaafsiga maxaabiista ayaa loo arkaa mid dhabbaha u xaari kara dib u heshiisiin iyo yareynta xiisadda gobolka, iyadoo loo arko guul diblomaasiyadeed oo u horseedi karta wada-hadal rasmi ah mustaqbalka dhow.