Home Wararka Maanta Somaliland oo ka hadashey maxaabiis ay dhawaan sii daynayso iyo Dadaalka ay...

Somaliland oo ka hadashey maxaabiis ay dhawaan sii daynayso iyo Dadaalka ay wado

0

Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay warar sheegaya in ay sii daynayso maxaabiistii ay kusoo qabatay dagaalkii Laascaanood, kaddib markii warar la xidhiidha arrintan lagu baahiyay baraha bulshada.

Xukuumaddu, oo ka jawaabaysay mudaharaad lagaga soo horjeeday wararka la xidhiidha sii daynta maxaabiista oo dhawaanahan lagu faafinayay baraha bulshada, ayaa sheegtay in la sii daynayo kaliya maxaabiista dembiyada fudud galay munaasabadda 18-ka May awgeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere), ayaa sheegay in maxaabiista dagaalku aanay qayb ka ahayn kuwa la sii daynayo.

“Burco dad ayaa fawdo ka wada. Fawdadaasi inooma qurux badna 18-ka May. Dadku wax aanay hubin ayay ku mudaharaadayaan. Wararkaasi waxba kama jiraan. Maxaabiista la saamaxayo kuwa dembiyada dagaalka gala kuma jiraan,” ayuu yidhi Wasiir Sandheere.

Wuxuu intaas ku daray in ay jiraan dad bulshada isku dayaya in ay iska horkeenaan, kuwaas oo baraha bulshada ku faafinaya warar been abuur ah, isaga oo ciidamada ammaanka faray in ay tallaabo adag ka qaadaan cid kasta oo lagu helo fidinta wararka aan salka lahayn.

“Dadka fidmo wadayaasha ah, ciidamada ammaanka waxaanu leenahay tallaabo cad ayaa laga qaadaya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Sandheere.

Dadweynaha mudaharaadayay, oo ka cadhooday wararka ku saabsan sii daynta maxaabiista, ayaa saaka magaalada Burco ka dhigay mudaharaadyo, iyagoo codsanayay in aan la sii dayn maxaabiista dagaalka ilaa lasoo daayo maxaabiista Somaliland kaga xidhan magaalada Laascaanood.