Home Wararka Maanta Somaliland oo sheegtay inay Socdaal Dadaalo lagu Aqoonsanayo Maamulkeeda

Somaliland oo sheegtay inay Socdaal Dadaalo lagu Aqoonsanayo Maamulkeeda

0

Xukuumadda Somaliland ayaa markale ku celisay in dhawaan la aqoonsan doono, ayna wadaan dadaallo la doonayo in si dhakhso looga dhabeeyo hiigsiga ay qabatay muddo ka badan 30 sano.

Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarrada, Fu’aad Axmed Nuux, ayaa sheegay in ay rajo ka qabaan in dhawaan la gaadho rajada aqoonsiga, isaga oo shacabka ugu bishaareeyay in war weyn soo socdo.

“Somaliland laga soo bilaabo 1991 waxay u taagnayd in la aqoonsado. Dowladihii ugu dambeeyay ee Somaliland ee kala dambeeyay waxay dadaal ku bixiyeen in dalkeena la aqoonsado, oo aan helno xuquuqda aan u leenahay in layna ictiraafo. Xukuumadda maanta jirta ayaa taa sii libin laabtay, rajo aad u weyn ayuu qarankani leeyahay, waxanuna rajaynayaa in war lagu farxo uu dhawaan kasoo baxo. Gacanta ayaa lagu hayaa, waxanuna rajaynayaa in war weyn uu soo baxo,” ayuu yidhi Wasiir Nuux.

Wasiirku waxa kale oo uu ka waramay dal-ku-galka danabaysan ee ay soo rogtay dowladda Soomaaliya, oo uu ku tilmaamay “isbaaro” loo dhigtay shacabka Somaliland, isaga oo sheegay in ay cabashadooda u gudbiyeen hay’adaha ku shaqada leh, isla markaana ay ugu dambeyn ku guulaysan doonaan in la joojiyo.

Intaa waxa dheer, Wasiirku waxa uu waraysiga kaga hadlay shirkad dhawaan lagu wareejin doono Madaarka Hargeysa, oo uu sheegay in ay dhisi doonto isla markaana malaayiin dollar ku maalgelin doonto madaarka, isaga oo sheegay in bulshada dhawaan loo soo bandhigi doono.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhowr jeer ku celisay in la aqoonsan doono bishan December ee hadda dhammaadka ku dhow, waana markii ugu horreysay ee xukuumad Somaliland ka talisa ay wakhti go’an u qabato aqoonsiga.