Home Wararka Maanta Somaliya oo laga saaray Liiska Dalalka Askareeya Caruurta Sida ay sheegtay Qaramada...

Somaliya oo laga saaray Liiska Dalalka Askareeya Caruurta Sida ay sheegtay Qaramada Midoobe

0

Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Booliiska iyo kuwa Milatariga ee Dowladda Soomaaliya laga saaray dhinacyada lagu eedeeyay askaraynta carruurta ee goobaha dagaalka.

Tallaabadan ayaa waxaa Qaramada Midoobay ku tilmaantay guul weyn oo muujineysa sanado badan oo shaqo ah oo ay dowladda Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheedu qabteen.

Warbixinta Qaramada Midoobay ee la xiriirta carruurta iyo colaadda Soomaaliya, oo loo gudbiyay Golaha Ammaanka, ayaa muujisay heerka xadgudubyada loo geysto carruurta iyo dadaallada lagu hortagayo.

Sida lagu sheegay warbixinta, 8,493 xadgudubyo ah ayaa laga diiwaan galiyay Soomaaliya intii u dhaxaysay 2021 illaa 2024.  Waxaa 6,801 kamid ah xadgudubyadaas loo geystay carruur. Xadgudubyada ugu badan waxaa ka mid ah, askaraynta carruurta, afduubka carruurta iyo dilka carruurta.

Al-Shabaab ayaa mas’uul ka ah 66% dhammaan xadgudubyada la xaqiijiyay, iyadoo kordhisay qorista carruurta iyo marin-habaabin lagu sameeyo masjidyo iyo dugsi Qur’aan oo ku yaalla deegaannada ay ka taliyaan. Carruurta la qoray waxaa ka mid ahaa kuwo ay da’doodu tahay 8 sano.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo askaraynta carruurta, lana ilaaliyo iskuullada iyo xarumaha caafimaadka, si loo xoojiyo nidaamyada ka hortagga xadgudubyada.

In kasta oo horumar la gaaray, Qaramada Midoobay waxay ka digtay in Al-Shabaab weli mas’uul ka yahay inta badan xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee dalka, oo ay ku jiraan dilal, afduub, iyo weeraro loo geysto shacabka, shaqaalaha gargaarka iyo hay’adaha dowladda.