Home Wararka Somaliya Somaliland Soomaaliland oo Dowlada Turkiga uga Digtay inay Yimaadaan Xeebaha Soomaaliland Si ay...

Soomaaliland oo Dowlada Turkiga uga Digtay inay Yimaadaan Xeebaha Soomaaliland Si ay Itoobiya Uga Difaacaan Soomaaliya Xeebaheeda

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud oo warraysi gaar ah siiyay BBC Somali ayaa sheegay in ay ku wargeliyeen Turkiga in ayna iman karin xeebaha Somaliland.

“Turkiga waan u sheegnay in aanay xeebaha Somaliland soo gali karin, waana ogyahay in Somaliland xeebaheeda u taliso – Soomaaliyana ayna u talin. Wax haba yaraatee aanu warwar ka qabnana ma jiro,” ayuu yidhi wasiirka isaga oo aan waxka weydiinnay sida uu u arko heshiiska difaaca ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in uu meel gabagabo ah marayo hirgelinta is-af-garadkii Badda Cas ee u dhexeeyay iyaga iyo Dowladda Itoobiya.

Is-af-garadkaan muranka badan dhaliyay ee ay bishii koowaad ee sanadkaan maalintiisii koobaad ay la gashay dowladda Itoobiya, kaas oo dhigaayay in Somaliland aqoonsi buuxa ka hesho Itoobiya halka dowladda dhexe ee Itoobiyana laga kireynayo saldhig ciidamo badeed oo ay ku yeelanayso gudaha Somaliland.

Heshiiskan ayaa aad uga cadhaysiiyay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya sababayna in xidhiidhka diblumaasiyadeed ee labada wadan uu gabi ahaanba meesha ka baxo.

Sidoo kale Midowga Afrika ayaa kasoo horjeedsaday is-af-garadkaan dhacay, wadamo badan sida Maraykanka, Turkiga, Ururku Jaamacadda Carabta iyo kan Midowga Yurub ayaana soo saaray baaqyo ay ku sheegayaan ahmiyadda ay leedahay xurmeynta madax bannaanida iyo gobonimada dhuleed leedahay.

Saamaynta heshiiska ka dhalatay keliya kuma ekayn wadamada ka baxsan Somaliland ee qudha balse waxuu saamayn kale oo gudaha ku yeeshay xukuumada Hargeysa.

Waxaana is casilay Wasiirkii Gaashaandhiga ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, isaga oo sheegay in is-afgaradkaan ay Somaliland la gashay Itoobiya ay ahayd in golaha wasiirrada lagala tashado heshiiska ay Somaliland la gashay Itoobiya oo ah dal daris ah oo aan bad lahayn.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay heshiiskaan mid aan gabi ahaanba jirin lana aqbali karin, waxayna sheegtay in is-af-garadkani yahay mid xad gudub ku ah shuruucda caalamiga ah madaxbannaanida iyo gobanimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Fagaarayaal kala duwan ayayna madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya uga hadleen. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaana si adag uga hadlay, waxaa sidoo kale ka hadlay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Labada gole ee barlamaanka Soomaaliya oo ka fadhiistay arrintan guud ahaanba waxay qaadaceen heshiiska iyagoo qeexay in ay tahay xad gudub ka dhan ah qaranimada Soomaaliya.

Previous articleAmaanka Magaalada Muqdisho oo Maalmihii Danbe sii Xumanaaya iyo Waxa isbadal
Next articleXamaas oo weerar ku dishay Askar badan oo Israel ah iyo fashil ku yimid Wadahadalo socday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here