Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Soomaaliya oo Masar oo la wadaagtay heshiiskii ay Itoobiya kula gaartay magaalada...

Soomaaliya oo Masar oo la wadaagtay heshiiskii ay Itoobiya kula gaartay magaalada Ankara ee dalka Turkiga

0

Dowladda federaalka Soomaaliya oo saaxiib dhow la’ah Masar ayaa la wadaagtay nuxurks heshiiskii ay Itoobiya kula gaartay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Masar ayaa uga warbixiyay qodobbadii ka soo baxay shirkii Ankara ku dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo lagu soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay labada dal.

Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa shaacisay in wada-hadalka labada wasiir lagu soo qaaday xiriirka istiraatijiga ah ee Masar iyo Soomaaliya iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay kadib shir-madaxeedkii saddex geesoodka ahaa ee bishii October Asmara ku dhex-maray madaxweynayaasha Masar, Soomaaliya iyo Eritrea.

Badar Abdelatty oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Masar ayaa dhankiisa xaqiijiyey in Masar ay si buuxda ku garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, la-dagaalanka argagixisada iyo xaqiijinta amniga iyo xasiloonida.

Ugu dambeyntiina waxay labada wasiir isku raaceen diyaarinta shir heer wasiir ah oo dhex-mara wasiirada arrimaha dibadda Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya, kaas oo daba socda shirkii sanadkaan ka dhacay Asmara.