Home Wararka Maanta Tirada Dadka Reer Muqdisho ee iska Diiwaagaliyay Doorashada oo lasoo bandhigay

Tirada Dadka Reer Muqdisho ee iska Diiwaagaliyay Doorashada oo lasoo bandhigay

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad lagu soo bandhigay natiijada rasmiga ah ee tirada dadka iska diiwaangeliyay magaalada Muqdisho si ay uga qaybgalaan doorashooyinka qof iyo codka ah.

Munaasabadda oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa lagu soo bandhigay tirakoobka guud ee dadka isu diiwaangeliyay doorashooyinka tooska ah, iyadoo warbixinta guddigu ay muujisay in guud ahaan 923,220 (SAGAAL BOQOL, SEDDEX IYO LABAATAN KUN, LABA BOQOL IYO LABAATAN) qof, ay iska diiwaangeliyeen magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa ku tilmaamay natiijada guddiga guul weyn oo muujinaysa diyaar-garowga shacabka Muqdisho ee doorasho dimoqraadi ah, oo si toos ah ay ugu ciil baxaan codkooda. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in muddo 40 cisho gudahood ay caasimaddu geli doonto doorashooyinka dowladaha hoose, taas oo ah marxalad taariikhi ah oo dib loogu soo celinayo codka shacabka iyo hannaanka dawladnimo ku dhisan nidaamka casriga ah.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), Wasiirro, Xildhibaanno, Xubno ka socday bulshada rayidka, Madaxda Ururrada Siyaasadeed iyo Mas’uuliyiin hore, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen; Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Gebagabada munaasabadda, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku baaqay in la sii dardargeliyo wacyigelinta iyo ka qaybgalka bulshada ee marxaladaha xiga ee doorashada, isagoo sheegay in doorashada dowladaha hoose ay noqon doonto tiir muhiim ah oo lagu dhisayo dowladnimo matalaysa rabitaanka shacabka.