Home Wararka Maanta Turkiga oo maxkamada ICJ u gudbiyay codsi ah inuu kula biiro South...

Turkiga oo maxkamada ICJ u gudbiyay codsi ah inuu kula biiro South Africa Kiiska Xasuuqa ee Israel

0
Photo/Anadolu

Turkiga ayaa u gudbiyay codsi rasmi ah oo uu ku doonayo inuu kula biiro Koonfur Afrika dacwadda xasuuqa ah ee ka dhanka ah Israa’iil ee ka socota maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ).

talaabada Turkiga ayaa sii kordhineysa cadaadiska caalamiga ah ee xukuumadda Israel si loo joojiyo xasuuqa ay ka waddo Gaza.

Wafdi ka socda Turkiga, oo uu ku jiro safiirka Ankara ee Hague, Selcuk Unal, ayaa si rasmi ah u gudbiyay codsiga Arbacadii, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee dalkaasi Anadolu.

“Go’aanka Turkiga ee faragelinta wuxuu ka tarjumayaa muhiimadda uu waddankeenu siinayo in lagu xalliyo arrinta Falastiiniyiinta iyada oo loo marayo qaabka sharciga iyo caddaaladda”, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa bayaan ku sheegtay Arbacadii. “Damiirka bini’aadantinimada iyo sharciga caalamiga ah wuxuu la xisaabtami doonaa mas’uuliyiinta Israel.”

Turkiga ayaa hadda noqday waddankii toddobaad ee si rasmi ah u doonaya in uu ku biiro kiiska maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay ka dib Colombia, Nicaragua, Spain, Libya, Falastiin iyo Mexico.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here