Home Wararka Maanta Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweyne Xasan Shiikh oo gaaray Caasimada Dalka Turkiga

Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweyne Xasan Shiikh oo gaaray Caasimada Dalka Turkiga

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa gaaray xalay fiidkii Magaaladda Ankara ee dalka Turkiga iyagga oo halkaas joogi doono muddo 2 cisho ah.

Xassan Shiikh & wafdigiisa ayaa ka ambabaxay magaalada Qaahira ooay kulan xasaasi ah kula qaateen Madaxweyne Al sisi iyo xubno ka tirsan dowlada Masar

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa la filayaa marka uu dalka ku soo laabto in uu u safro Magaaladda Laas-canood ee Gobalka Sool ee Mamaulka SSC-Khaatumo ee Soomaaliya sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon karo oo ka tirsan Villa Somalia.

Dhanka kale, maanta oo arbaco ah waxaa lagu wadaa degmadda Maxaas ee Gobalka Hiiraan uu gaaro Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyaddo shalay ay gaareen degmadda Maxaas Guddoomiyihii hore ee Gobalka Hiiraan Cali Jayte Cismaan iyo Xildhibaan Maxamed Cabdi qaadir.

Sidoo kale, waxaa baaqday Hoggaanka sare ee Ciidamadda xoogga dalka Soomaaliya oo lagu waday in ay gaaraan deegaanadda Gobalka Hiiraan ka tirsan sida degmadda Maxaas iyo degmadda kale ee koonfurta Gobalka Hiiraan dhacda ee degmadda Jalalaqsi.

Baaqashaddan Saraakiisha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya, ayaa waxa ay la xariirtaa iyadda oo hoggaanka sare ee Xoogga dalka Soomaaliya lagu wado maanta in ay gaaraan Gobalka Bay gaar ahaan deegaanaddii ugu dambeeyay ee ay ka dhaceen dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al shabaab iyo Ciidamadda Xoogga iyo kuwa deegaanka ee degaanka Burjeed ee Gobalka Bay ee Maamulka Koonfur galbeed

Dhaqdhaqaaqyo Ciidan iyo mid abaabul, ayaa waxaa laga dareemayaa haatan Gobaladda Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Gobalka Bay ee Soomaaliya, kadib markii Al shabaab ay la wareegeen degmadda istaraatiijiga ah ee Moqokori ee Gobalka Hiiraan.