Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu halkaas uga qayb galo shirka looga hadlayo arrimaha Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Madaxwaynaha ayaa guulaha laga gaaray dagaalka Al Shabaab la wadaagi doona madaxda dalalka Ciidamada ku yaboohay howlgalkan guul dhowaan ka bilowday dalka Soomaaliya.
Inta uu socdo shirka waxa uu soo bandhigi doonaa sida uu u maro dhalay iskaashiga Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawisley iyo sida ay uga adkaadeen Al Shabaab.
Sidoo kale, wuxuu Madaxweynaha kala hadli doonaan madaxda dhiggiisa ah dardargalinta iskaashiga wadajirka ah ee dalka looga ciribtirayo Al Shabaab.
Kooxda Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhisay weerarada, iyadoo la wareegtay gacan ku heynta degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobollada Sh.Dhexe iyo Hiiraan.