Home Wararka Maanta Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil oo gaadhay Somaliland

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil oo gaadhay Somaliland

0

Wafdi sare oo ka socda dowladda Israa’iil oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Sa’ar, ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Waftiga oo xogtooda iyo amnigoodaba aad loo adkeeyay, ayaa waxa Sa’ar ku wehelinaya mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Israa’iil. Sida ay tabinayaan warbaahinta guddaha iyo ta Israa’iil, waftiga ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Markii ay ka soo degayeen garoonka diyaaradaha Hargeysa, wafdiga waxaa loo galbiyay madaxtooyada, iyada oo la sheegay in diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay gaaf wareegaayeen hawada Somaliland, si ay sheeda uga ilaaliyaan amniga waftiga.

Israa’iil ayaa noqotay waddankii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland bishii lasoo dhaafay, intaa kadib waddamo badan ayaa oo Soomaaliya ugu horayso ayaa cambaareeyay. Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay in marnaba anay aqibali doonin aqoonsiga Somaliland.

Wafdigan ayaa sidoo kale la filayaa inuu booqashooyin ku tago goobaha ganacsiga ee magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, si uu u indho indheeyo  fursadaha maalgashi iyo iskaashiga labada dhinac iska kaashankaraan.

Waxa kale oo la sheegay in wasiirku uu sido waraaq rasmi ah oo uu Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Natanyahu kaga codsanayo Madaxweyne Cirro in uu booqdo Israa’iil dhawaan. Ilaa hadda Xukuumada Somaliland kama hadal imaanshaha waftiga.