Home Wararka Maanta War Deg Deg Ah: Qarax Xoogan oo ka dhacay Xeebta Liido ee...

War Deg Deg Ah: Qarax Xoogan oo ka dhacay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho

0

Qarax xooggan oo loo maleenayo in uu yahay ismiidaamin ayaa goordhaw ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa kaddib la maqlayaa rasaas xooggan oon la ogeyn ilaa hadda cida ay u dhaxeyso.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa xooggan uu ka dhacay afaafka hore ee maqaayad kutaalla xeebta Liido, waxaana goobjoogayaal sheegayaan in dabley hubeysan ay galeen maqaayado kuyaalla xeebta Liido oo ay dad badan joogeen.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo sheegayaa in uu ka dhashay qaraxa ka dhacay xeebta Liido, waxaana aagaasi gaaraya gaadiidka gurmadka deg degga ee loo yaqaan ambalaasta, kuwaa oo daabulaya dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Ciidamo katirsan dowladda ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay , waxa ayna ciidamada isku dayayaan in ay soo afjaraan weerarka la sheegay in ay kooxo hubeysan ku galeen maqaayado kuyaalla xeebta Liido ee Muqdisho.

Waxii warar soo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here