Qaraxaan ismiidaaminta ah oo daqiiqado ka dhacay xerada ciidamada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho ayaa lasoo warinaya inuu geystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.
Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu fuliyay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasoo isku dhax qarxiyay ciidamo isku dhaf ah oo lagu xareenayay xerada ciidamada Kuliyada Jaalle Siyaad oo ku taala degmada Hodan magaalada Muqdisho, iyagoona halkaasi tababar ugu socday, sida ay sheegayaan ilo wareedyo kala duwan.
Warar kale ayaa sheegaya in qofka is qarxiyay uusan gaarin goobta ay ku sugnaayeen ciidamada.
Qaraxa kadib ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay iyo nawaaxigeeda, islamarkaana halkaasi ka wado baaritaano.
Majiro wali wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay qaraxaan Ismiidaaminta ah.
Dhanka kale Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxa ka dhacay gudaha xerada Kuliyada Jaalle ee Muqdisho, , waxaa ayna sheegeen in ay weerarka la beegsadeen saraakiil ciidan oo cadaan ah, kuwaasi oo ay sheegeen in ay tababar siinayeen ciidamada dowladda Soomaaliya
2023 ayaa sidan oo kale waxaa kuliyada ugu dhacay qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday xerada.