Home Wararka Maanta Warar dheeraad ah oo Laga Helayo Xaalada Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Warar dheeraad ah oo Laga Helayo Xaalada Madaxweynaha Dalka Jabuuti

0

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa galabta dib ugu laabtay dalka Jaabuti, kaddib safar caafimaad iyo mid shaqo uu ugu maqnaa magaalada Paris ee caasimadda dalka Jabuuti.

Garoonka diyaaradaha magaalada Djabuuti ayaa lagu soo dhaweeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana Madaxweynaha loo galbiyay qasrigiisa.

Madaxtooyada dalka Jabuuti ayaa baahisay sawirro laga soo qaaday Madaxweynaha oo garoonka kasoo degay, waxa ayna baahiyeen Madaxtooyada safar shaqo uu ku maqnaa kasoo laabtay.

Warar saacadihii lasoo dhaafay la baahinayay ayaa shaki lagu galiyay xaalada Madaxweyne Geelle oo ku sugnaa Faransiiska, waxa ayna dadka qaar sheegayeen in xaalada Madaxweynaha liidato, halka kuwa kalana sheegayeen in uuba dhintay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here